Soomaaliya ayaa ku baaqday in si buuxda loo dhowro oo loo dhaqan geliyo heshiiska nabadda ee ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda M23, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah soo afjaridda colaadaha muddooyinka dheer ka taagnaa bariga dalkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yahay fursad lagu dhisi karo kalsooni, lagu joojin karo dagaalka, isla markaana lagu abuuri karo xaalado nabadeed, si loo soo celiyo dadkii barakacay.
Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Dowladaha Qadar iyo Mareykanka oo door muuqda ka qaatay fududeynta wada-hadalladan, kuwaas oo horseeday is-afgarad siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay in ay garab taagan tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo sababaha colaadda, laguna taageero geeddi-socod nabadeed oo waara oo ka hirgala dalka Congo.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo ku qoran luuqadda Carabiga
Mustaqbal
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…