Wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo iibsanayso Diyaaradaha JF-17 kaddib markii Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku wargelisay in ay soo gudbisato codsi la xiriira waxyaabaha ay Riyaad ka caawinayso dhiggeeda Muqdisho.
Sacuudiga ayaa la sheegay in uu aqbalay qorshahaan iyada oo heshiiskaan lagu saxiixayo kulanka dhexmaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-suge ahna Amiirka dalkaas, Maxamed Bin Salmaan.
Riyaad ayaa usoo jeesatay arrimaha Soomaaliya, waxa ay dhowaan qaadday tallaabooyin degdeg ah maadaama ay ku biirtay Isbahaysiga Turkiga uu hormuud u yahay ee diidan qorshooyinka cusub ee siyaasadeed ee Imaaraatka, Israa’iil & Dalalka kale ee xulufada la ah.
Diyaaradaha Sacuudiga uu u iibinayo Soomaaliya ayaa lagu farsameeyay Dalalka Pakistan & Shiinaha, waxaana si gaar ah loogu iibinayaa Nooca loo yaqaan Blocke-3 waxaana intaas sii dheer in tallaabada labaad ay noqonayso in Maraakiib dagaal loo iibiyo Soomaaliya.
Wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in Diyaaradaha Dagaalka ee Turkiga ee la keenay Soomaaliya in ay tusaale wanaagsan u noqdeen in Dalal kala duwan ay ku dhiirradaan sidii ay Soomaaliya u siin lahaayeen ama ugu iibin lahaayeen Diyaarado Dagaal.
Qiimaha Diyaaradaha JF-17 waxaa halkii xabo ay u dhaxaysaa lacag dhan $25 Milyaan ilaa $30 Milyan o Doollar, Duuliyeyasha diyaaraddaan waxaa lagu tababari karaa sanad ilaa labo sanno, si uu duulliye buuxa ama dhammaystiran u noqdana waa in uu qaataa tababarro dheeraad ah.
Soomaaliya waxaa diyaaraddaan uga horreeya marka la eego Qaaradda Afrika Dalka Nigeria, awoodda JF-17 waxa ay dunida ku aragtay intii uu socday Dagaalkii dhexmaray Pakistan & India, waana tan keentay in Dalal badan ay dalbadaan helitaankeeda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…