Wasiirka Difaaca Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigay hubka casriga ah ee ay soo saartay Dowladda Masar.
Bandhigaan oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha Masar, Cabdel Fattah Al-Sisi, iyadoo ay isugu yimaadeen wafuud ka kala socda 100 dal.
Shirweynahan ayaa waxaa isugu yimid shirkado ka shaqeeya howlaha difaaca oo tiradooda gaareyso 450 shirkadood oo caalami ah, kuwaasi oo soo bandhigay tiknoolajiyad iyo qalab casri ah.
Inta lagu guda jiro maalmaha bandhigga, wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay la yeeshaan shirar gaar ah hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ka qaybgalaya EDEX 2025, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca, tababarrada militari, iyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka deegaanka iyo kuwa caalamka.
Bandhigga EDEX 2025 ayaa Soomaaliya u ah fursad kor u qaadeysa tignoolajiyada difaaca ee dalka, si dowladda awood ugu yeelato dagaalka AS iyo Daacish.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…