Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan u muujisay Ururka Jaamacadda Carabta oo todobaadkaan dhaleecayn kala kulmay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Sulaiman Dedefo Woshe oo ku eedeeyay in uu kala saftay Masar.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta uu taageerro muuqda u muujiyay Soomaaliya iyo dedaallada dib u dhiska Dalka.
Fiqi ayaa intaas ku daray Ururka Jaamacadda Carabta uu waajib ku yahay sidii uu u wanaaji lahaa ama isugu xiri lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Dalalka Xubnaha ka ah, taasina ay tahay ujeedka loo aasaasay ururkaan sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya waxa ay xubin ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta oo taageero u muujiyay isla markaana ka caawiyay dedaallada dib u dhiska, Yoolka Ururku waa isku xirka xiriirka Dalalka xubnaha ka ah si wadashaqayntoodu u wanaagsanaato” Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi.
Soomaaliya waxa ay heshiis dhinaca Amniga ah la gashay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ay xubno kawada yihiin Jaamacadda Carabta, Xukuumadda Qaahira waxa ay siyaasad ahaan is hayaan dhiggeeda Addis Ababa oo qaadday tallaabooyin ka hor imaanaya wadaagga biyaha Nile.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…