GUDAHA/wararka

Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar qarsoodi ah ugu ambabxay waddanka Isutagga Imaaraatka Carabta oo muddooyinkii dambe taageero xooggan siinayay maamulkiisa.

Madaxtooyada Putland oo inta badan soo bandhigi jirtay xiliyada uu safarka aadayo ayaa qarisay safarkaan, waxaa la sheegay in uu la kulmayo madaxda Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta inkasta oo aan la ogayn waxa ay kawada hadlayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu kasii horreeyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo si qarsoodi ah casumaad uga helay Dalkaan Carbeed ee Imaaraatka.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ah xulufo siyaasadeed oo kasoo horjeeda Dowladda Federaalka, xiriiro telefoon ayaa horay u dhexmaray iyaga oo kawada hadlay xaaladda Dalka, cadaadiska ay saari karaan Dowladda Dhexe iyo qodobo kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay doonayso in wadahadal ay yeesheen Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyadaan si loosoo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyay muddooyinkii dambe.

Imaaraatka wafdi ka socda ayaa dhowaan yimid Magaalada Muqdisho waxaana uu la kulmay Madaxda Dowladda Federaalka, waxa ay wararku sheegayaan in ay kala hadleen wadahadalkaan loogu kala dab qaadayo Dowladda Federaalka, Jubbaland & Puntland.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

46 mins ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

5 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

9 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

9 hours ago