Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inuu jiro kacdoon ka dhan Turkiga iyo dad abaabulan oo doonaya in ay ka faafiyaan warar been abuur ah Xiriirka labada dal.
Wasiirka Warfaafinta XFS, Cabdifitaax Qaasim oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la xumeeyo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
“Waxaa jira Kacdoon abaabulan oo ka dhan Dowladda Turkiga oo ah walaalaheena oo muddo dheer na soo caawiyay, iyadoo dalal kale oo badan ay jiraan ayuu Turkiga noo soo gurmaday” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta XFS, Cabdifitaax Qaasim.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay in diyaaradaha Turkiga ay duqeeyeen guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan.
Wasiir Cabdifitaax ayaa beeniyay in Turkiga ku lug leeyahay duqeymahaasi Guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan, isagoo tilmaamay in aysan jirin sabab loo duqeeyo hoyga muwadin Soomaaliyeed.
Turkiga ayaa kamid ah Dalalka Ciidamada Dowladda Federaalka ka taageera dagaalka AS gaar ahaan duqeymaha cirka ah iyo tababarada.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…