Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia kulan kula yeeshay dhigiisa dalkaasi, Bratislav Gašić.
Labada wasiir ayaa kulankooda uga hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Serbia oo xiriirkooda sanadihii la soo dhaafay sii xooggeysanayay.
Sidoo kale, Serbia ayaa Soomaaliya ka taageeri doonta tababarka iyo qalabeynta ciidanka qalabka sida gaar ahaan dagaalka AS ee ka socda gudaha dalka.
Wasiir Fiqi ayaa ka hadlay kulanka, isagoo dalka Serbia uga mahadceliyay taageerada ay siinayaan Soomaaliya gaar ahaan xoojinta dagaalka AS.
Dhankiisa, Wasiir Difaaca Serbia ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan Iskaashiga labadad al gaar ahaan dhinaca amniga iyo difaaca.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay Serbia sii wadi doonto horumarinta, tababarka ciidan iyo cilmi-baaris ku saabsan tignoolajiyada difaaca.
Dalka Serbia ayaa waxaa safar ku tagey wafdi sare oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, isagoo kulamo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.
Ciidamo Soomaali ah ayaa tababar u jooga dalka Serbia, iyadoo qaar kale oo soo dhammeystay tababarka ay dib ugu soo laabteen dalkooda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…