GUDAHA/wararka

Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Jubbaland oo ka dhacay Mandheera

Magaalada Mandera ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad ballaaran oo ay sameeyeen shacabka deegaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayay in ciidanka Jubaland laga saaro deegaannadooda.

Banaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “Murkomen ha iscasilo”, ayaa ku eedeeyay dowladda Nairobi in ay halis gelisay madax-bannaanida Kenya, iyadoo ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandera.

Dadka mudaharaadayay ayaa sheegay in joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Jubaland ee soo gudbay xadka, intii ay socdeen howl-gallada amniga, uu kordhiyay xiisadaha isla markaana dhaawacay kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda dowladda Kenya ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda.

Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliiska iyo militarigeenna la hareer mariyay?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday.

Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Wasiirka Gaadiidka Kipchumba Murkomen, iyagoo ku baaqay inuu xilka iska casilo, waxayna ku eedeeyeen dayacaad iyo in uu ka gaabiyay ka jawaabidda cabashooyinka amni ee gobolka.

Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa uga digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashooyinka, mudaharaadyadu ay kasii dari karaan maalmaha soo socda.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

1 hour ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

4 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

6 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

7 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

8 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

8 hours ago