Shirka Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukumada Faderaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay isdhex galka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Geeska Afirica.
Shirka waxaa maanta shir Gudoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumada Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaana looga hadlay doorka Soomaaliya ee is dhaxgalka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Geeska Afrika.
“Waxa aan maanta guddoomiyay shir aan uga hadalnay dowrka dal ahaan aynu ku yeelanayno Isdhex galka dhagaale iyo ganacsi ee gobalka geeska Afrika” ayuu Ra’iisul wasaare Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Wasiirka Qorshaynta Xukumada Faderaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa oo warbaahinta lahadlay markii shirku soo dhamaaday ayaa sheegay in jiro fikir ah in dhaqaale ahaan is dhexgal sameeyaan wadama Geeska Afrika oo sida uu sheegay ku yimid Dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxa uu sheegay iyada oo arintaasi laga duulayo in maanta Golaha wasiirada Soomaaliya uga doodeen saamaynta uu ku yeelan karo Soomaaliya maadaama wada kale is dhex gal dhaqaale lala samaysanayo.
Wasiirka ayaa sheegay in bisha soo socota la isku imaayo shir ay yeelanayaan Wadamada Afrika ee Samaysanaya is dhexgalka dhaqaalaha iyo Ganacsiga isaga oo sheegay in si Go’aan midaysan Xukumadu ugu qaadata arintaas ay maanta ugu hadleen shirka Golaha Wasiirada.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…