Shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeele oo loo hadlay amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare aya Maanta oo Axad ah Shir Guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada kaas oo  looga hadlayay arrimo hormarinta Maamulka.

Shirka todobaadla ah ee Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle waxaana looga hadlayay mashruuca Midnimada 2 kaasi oo isugu jira xasilin amni, dib u heshiisiin iyo wacyigalin loo sameeyo bulshadda deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Hirshabeele.

Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka furmay Magaalada Jowhar.

Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeele Maxamed Cali Caadle ayaa golaha wasiirada iyo Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay mashruuca midnimo 2 qorshayaashiisa iyo muhiimada uu u leeyahay Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka arrimaha Gudaha Hirshabeele Maxamed Cali Caadle.

Barnaamijka midnimo 2 ayaa ah barnaamij lagu horumarinayo deegaanada Hirshabelle oo isugu jira arimaha horumarinta, gar gaarka, dib u dejinta, xasilinta iyo dib u heshiisiin bulshooyinka deegaanada Hirshabeele.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare.
MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

19 hours ago