Booqashada RW Xamsa ee magaalada Laacaanood, Photo by Bulshaawi, April 12, 2025
Magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furma shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka, kaas oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay.
Ammaanka magaalada Laascaanood ayaa aad loo adkeyay waxaana waddoyinka magaalada lagu arkayay ciidamo gaar ah oo sugaya amniga caasimadda.
Shirka oo ay ka shaqeeynayeen guddi ka kooban 8 xubnood, kaas oo ay magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa maalimihii ugu dambeeyay magaalada Laascaanood ka waday kulamo wadatashi.
Guddigaan farsamo ayaa magaalada Laascaanood waxa ay ku soo dhaweeyeen wufuud kala duwan oo lagu casuumay ka qeyb galka shirkaan, xilli qaar ka mid ah madax ka socoto Xukuumadda Soomaaliya ay ku sugan yihiin SSC-khaatumo.
Shirweynahaan ayaa ku soo aadaya xilli uu khilaafan adag ka taagnaa hannaanka loo marayo maamul u sameynta SSC-Khaatumo, waxaana la arkayay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag oo wada qorshe ay ugu biirayaan maamulkaan cusub.
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay maamulka SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan faro galinta iyo qorshaha ku aadan gobolka Sanaag.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…