GUDAHA/wararka

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka howlaha horumarinta iyo gargaarka ee Hormuud Telecom iyo Salaam Soomaali Bank ayaa maanta la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika.

Munaasabadda abaalmarinta, oo qeyb ka ahayd Shirweynaha ALM Africa Summit 2025, oo uu soo qaban qaabiyey ururka African Leadership Organisation oo madax u yahay Madaxweynihi hore ee Tanzania, ayaa lagu qabtay Hotelka the Landmark London, iyada oo ay ka soo qeybgaleen madax Afrikaan ah, maalgashadeyaal, hal-abuurro, iyo wakiillo ka kala socday ganacsiga iyo bulshada rayidka ah.

Hormuud Salaam Foundation ayaa abaalmarintan ku muteysatay dadaalkeeda joogtada ah ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, gurmadka degdega ah, iyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo lagu marti qaaday shirka,  ayaa Xafladda ka sheegay in Abaalmarintan ay ku dhiirigalineyso in ay sii xoojiyaan adeegyada ay u hayaan Bulshada.

“Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado iyo Horumar,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan

Shirka ALM Africa Summit, oo sanadkan maraya kii tobanaad, waa mid ka mid ah shirarka ugu ballaaran ee ay isku arkaan hoggaanka ganacsiga iyo siyaasadda Afrika. Mowduuca sanadkan ayaa ahaa (Horumarinta Hoggaanka, Maalgashiga iyo Tartan Awood leh)

Abaalmarinta Hoggaaminta Saameynta Bulshada ee Afrika waxaa la siiyaa hay’adaha ama ururrada leh saameyn muuqata ku leh horumarinta nolosha bulshada Afrika, Hormuud Salaam Foundation ayaa sanadkan ku guuleysatay abaalmarintan, iyadoo ay sharaf u tahay bulshada Soomaaliyeed oo ay matalayso.

Abaalmarinta Hormuud Salaam Foundation ayaa ku soo aadeysa xilli sanadahan diirada la saarayo kobcinta Hay’addaha maxaliga, si ay kaalin uga qaataan isbadalka bulsho iyo dhaqaale ee Bulshada.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago