GUDAHA/wararka

Shiinaha “waxaan garab taaganahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed”

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 65 sano guurada kasoo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay.

Fariinta hambalyada ayaa lagu sheegay in sannadkan uu sidoo kale yahay sanad xusuus gaar ah u leh xiriirka labada dal, maadaama uu astaan u yahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Safaaradda Shiinaha waxay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal si loo gaaro mustaqbal wadaag ah oo ifaya,” ayaa lagu yiri qoraalka hambalyada.

Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ku qotoma iskaashiga dhanka dhaqaalaha, horumarka, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga si kor loogu qaado nolosha shacabka labada dal.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

15 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

16 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago