Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay heshiis cusub oo dhexmaray Somaliland iyo Taiwan 24-kii bishaan Luulyo 2025, kaasoo lagu saxiixay magaalada Taipei.
Heshiiskaasi oo la xiriira iskaashi amni oo dhinaca xeebaha ah, ayuu Shiinuhu ku tilmaamay mid ka hor imaanaya mabda’a hal dowlad oo Shiinaha ah isla markaana wax u dhimaya madax-bannaanida dhuleed ee dalkaasi.
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Taiwan ay weli tahay qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha, isla markaana dowladda Shiinaha kaliya ay metesho guud ahaan Shiinaha.
Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu ugu baaqay Somaliland inay joojiso xiriirka rasmiga ah ee ay la leedahay Taiwan, isagoo sheegay in Somaliland ay weli ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya.
Heshiiska cusub ayaa lagu horumarin doonaa ammaanka xeebaha Somaliland, iyadoo la qaban doono tababaro, iyo iskaashi kalluumaysi taas oo labada dhinac uga gol leeyihiin inay kobciyaan dhaqaalaha badda.
Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah, isla markaasna aan laga jari karin dhulkiisa.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…