GUDAHA/wararka

Cali Balcad “Haddii ay jirto cid naga caawinaysa wadahadallada Somaliland waan soo dhaweenaynaa.”

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa wareysi uu siiyay warsidaha Alcarabi Jadiid wuxuu uga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan dagaalka AS, Khilaafka Siyaasadda,  xiriirka Itoobiya iyo wada hadallada Somaliland.

Wasiirka ayaa wareysigaan bixiyay xilli uu ku sugnaa dalka Qadar, halkaasi oo u joogey howlo shaqo. 

Marka ugu horreysa waxaa la waydiiyay:- 

  1. Amniga Soomaaliya,  Al-Shabaab wali waxay fulisaa weerarro, Sidee loo wajahayaa caqabaddan? 

“Al-Shabaab sida ay u muuqato waa mid sii daciifaysa. Dowladda Soomaaliya waxay ku dadaalaysaa in ay gacanta ku dhigto dhammaan dhulka dalka. Waxaan dhiseynaa hay’adaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Tani waa shaqo weyn oo u baahan taageero caalami ah, taasoo aan wali si buuxda loo helin” 

2. Waxaa jira warar sheegaya in Mareykanka uu wada-hadallo la furayo AS, arrintaasi maxaa ka ogtihiin? 

“Wararkaas waa been, si buuxda ayaanna u beeninaynaa. Mareykanku sida la ogyahay wuxuu Al-Shabaab u arkaa urur argagixiso ah, mowqifkiisuna isma bedelin.” 

3. Marka aan eegno dhinaca Siyaasadda, waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada iyo wax-ka-bedelka dastuurka, haddaba halkee wax marayaan? 

“Anigu ma arko in uu jiro khilaaf dhab ah. Markasta oo doorasho la diyaarinayo, waxaa dhacda in la isweydaarsado aragtiyo ku saabsan hannaankeeda. Waxaan horay ugu guuleysanay doorashooyin dhowr jeer ah, waana ku guuleysan doonaa mar kale. Waxa ka socda Soomaaliya waa wada-hadal siyaasadeed oo deggan, dhammaanteenna waxaan rabnaa inaan gaarno natiijo laga wada raalli yahay. Doorashaduna waxay dhici doontaa waqtigeeda.” 

3. Dib u dhac ayaa ku yimid  ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka, ma rajeynaysaa in doorashada ka hor howlahaasi la soo gaba gabeyn karo? 

“Dastuurka hadda jira waa mid ku-meel-gaar ah oo la ansixiyay 2012. Ma aha in gabi ahaanba la beddelo, balse qodobo gaar ah ayaa la beddelayaa. Soomaaliya waa dal federaal ah, sidaas darteed waa in la tixgeliyaa aragtida dowlad-goboleedyada kahor inta aan la horgeyn baarlamaanka. Tallaabadaas waa la qaaday, waxaana baarlamaanku ansixiyay 4 cutub oo dastuurka ah, 11 cutub ayaa haray. Doodda way socotaa” 

4. Halkee ku dambeeyeen wada hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Turkiga ? 

“Haa, khilaafkaas wuu dhammaaday. Waxaan u mahadcelinaynaa Turkiga. Wadahadalladii dhexdhexaadinta waxay keeneen heshiis, Itoobiya waxay ixtiraami doontaa madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulka.” 

5. Suuragal ma tahay in Qatar ay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama wafuud labada dhinac ah ay booqasho ku tageen Dooxa? 

“Gobolkaasi waa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya. Istaraatijiyadeenna annagoo ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inaan iska dhex xallino dhibaatooyinkeena gudaha. Laakiin haddii ay jirto cid kale oo doonaysa in ay naga caawiso dhankaas, waan soo dhoweyneynaa.” 

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago