Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isbeddel lagu sameeyay shaqaalaha garoonka gaar ahaan kuwa haga diyaaradaha xilliga ay soo degayaan.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Maamulka Sharikadda Favorri ee maamusha Garoonka ay shaqo joojin ku sameysay mid ka mid ah shaqaalihii hore,taasina ay sababtay in shaqaalaha kale ay gadoodaan.
Maamulka Sharikadda Favorri,ayaa sheegay in Ninka shaqada laga joojiyay isaga oo shaqada leh ay laba diyaaradood garbaha iska taabteen shalay,kaddibna maamulka arrintaas ka caroodeen.
Waxaana Maamulka uu ninkaasi ku sameeyay shaqa joojin,intaas kaddib shaqaalihii kale ayaa iyaga oo ka careysan go’aanka maamulka Sharikadda Garoonka maamusha waxaa ay sameeyeen shaqo joojin.
Laakiin Maamulka Sharikadda Favorri ayaa iyaguna aan dheg jalaq u siin go’aanka shaqaalaha ee Gadoodka ah,waxaana ay saaka shaqo geliyeen shaqaale cusub oo shaqadii qabanaya.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…