Maxamed Cabdi Oongooye oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Koox hubeysan ayaa Oongooye ku dishay Muqdisho,waxaana ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta Dheer ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Maxamed waxaa uu sidoo kale Bare ka ahaa mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…