GUDAHA/wararka

Senegal vs Morocco, Koobka 35aad ee Qaramada Qaaradda Afrika

Waxaa Caawa waqtiga geeska Afrika marka ay tahay 10ka Habeenimo dhacaya kulanka ugu danbeeya ee Koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 35aad, waxaa isaga hor imaanaya Xulalka Senegal iyo Morocco oo wacdo kasoo dhigay kulamadii ay heerkaan ku yimaadeen.

Morocco waa dalka ciiddiisa lagu dheelayo ee martigeliyay koobaan, waxa uu sanadkaan rabaa in uu qaado markiisii labaad ee taariikhda koobkaas, waxaa ugu dambaysay hanashada koobka Afrika sanadkii 1976dii oo hadda laga joogo 50 sano.

Senegal waxa uu koobka Afrika ku guulaystay sanadkii 2021, markiisii labaad ayuu doonayaa uu ku guulaysto, waxa uu wajahayaa xulka martigeliyay sanadkaan oo haysta taageerro badan inkasta oo ay garoonka ku loolami doonnaan Ciyaartoy ay isku tiro yihiin.

34ta jeer ee Koobkaan Qaramada Qaaradda Afrika la qaaday tan iyo markii la aasay waxa ay xulalka ugu kala guulaysteen.

Egypt 7 jeer

Cameron 5 jeer

Ghana 4 jeer

Ivory Coast 3 jeer

Nigeria 2  jeer

RC Congo 2 jeer

Senegal 1 mar

Zambia 1 mar

Tunisia 1 mar

South Afrika 1 Mar

Morocco 1 mar

Congo 1 mar

Sudan 1 mar

Ethiopia 1 mar

Haddaba, Senegal mise Morocco yaa ku labaysan doonna Koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 35aad?

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

10 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

15 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

15 hours ago