GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay duleedka degmada Warshiikh

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidanka xoogga ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan gobolka Shabeellda Dhexe, kaasi oo saaka AS ku soo qaadeen weerar ku billaaday qaraxyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka halkaasi ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

“Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan,” ayaa lagu xusay bayaanka Wasaaradda.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo weli xaaladda deegaanka aysan daganeyn.

Jabad Godane ayaa hoos yimaada degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana gacanta ku haya Laamaha Amniga ee Soomaaliya

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Dowladda.

Mustaqbal

 

 

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

15 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

16 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago