Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dejiyay qorshe ciidamo cusub loogu dirayo Gobolka Minnesota kaddib markii ay kusii kordheen rabshadaha ka dhanka ah Ciidanka Socdaalka ee loosoo gaabiyo ICE.
Donald Trump ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada dalkaas, waxa ay falanqeeyeen xaaladda taagan iyaga oo ugu dambayn isla gartay in la xoojiyo askarta ku sugan Gobolka Minnesota ee fulinaya howlgallada ka dhanka ah soogalootiga.
1,500 Askari oo hadda ku sugan Alaska ayuu amray Madaxweyne Donald Trump in lagu xoojiyo ciidamadii horey u joogay Gobolka Minnesota si loo dadejiyo howlgallada ka dhanka ah Dadka aan haysan sharciga dalkaas ee Soomaalida qaybta ka tahay.
Warbaahinta gudaha oo soo xigatay xubno katirsan Aqalka Cad ayaa ku warramay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu dhaqangelinayo hanjabaaddiisa todobaadkaan oo ahayd in uu Ciidamo Militari ah u dirayo Minnestoa.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…