Sawirro:- Golaha wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

Dhanka kale waxa ay Golaha Wasiirada Warbixin ka dhageysteen Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi taas oo ku saabsaneen Xeerka Qaxootiga dalka ku sugan iyo Siyaasadda Dowladda ay ka leedahay.

 

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

13 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

16 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

18 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

19 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

19 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

20 hours ago