Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Beijing.

Kulanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka dhacay Magaalada Beijing ee Caasimadda Dalka Shiinaha, waxa ayna kamid yihiin Madaxda Afrika ee shirka berri ka furmaya China ka qayb galeysa.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Labada Madaxweyne ay isla meel dhigeen Xoojinta Xiriirka iyo sida ay Afrika ugu faaiideysan karto lacagta Maalgashiga China ku sameysaneyso Dalalka Afrika.

Cabdinuur ayaa intaa ku daray in lacag dhan $60 Bilyan ay Dowladda Shiinaha ku bixiso Maalgashiga Afrika iyo Mashaariicda ay ka sameysaneyso.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka aan ka faaiideysan Maalgashiga Shiinaha, balse wixii hadda ka dambeeya ay Xoogga Saari doonto sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Dalka Shiinaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Dalkaas iyo kuwo Afrika ee ka qayb galaya Shirka Berri ugu furmaya Beijing.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

13 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

16 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

18 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

19 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

19 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

20 hours ago