GUDAHA/wararka

Saraakiil horleh oo gaartay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaa kusii qulqulaya saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si ay kaalintooda uga qaataan xoojinta amniga Magaaladaas lagu qabanayo doorashada Maamulkaas.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay shirar looga hadlay adkaynta Nabadgalyada Magaaladaas iyada oo mas’uuliyadda sugidda Amniga loo kala saaray ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliiska ah sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka, Janaraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa in uu qayb ka noqdo kulamada socda.

Ciidamo isugu jira qaybta 60aad, Kumaandooska Gorgor iyo kuwo Booliis ah ayaa ka howlgallaya Magaalada Baydhabo, waxaa la kordhiyay goobaha hubinta Gaadiidka ee Gudaha Magaaladaas iyo bannaankeeda.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

10 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

10 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

13 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

15 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

18 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

20 hours ago