Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacay shir looga hadlay ammaanka Gobolkaas oo dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Hoggaanka rasmiga ah ee Maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Saraakiil isugu jirtay Booliis iyo Militari ayaa ka qaybgalay kulankaan waxaana ay is dhaafsadeen sida ay uga wada shaqayn karaan adkaynta Ammaanka Gudaha Magaalada Baydhabo iyo bannaankeeda si doorashadaas ay ugu qabsoonto si xasiloon.
Ilo ku dhow shirkaas ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor iyo 60aad ay qaateen mas’uuliyadda amniga deegaannada bannaanka ka ah Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Booliiska ayaa dusha saartay nabadgalyada Gudaha Magaalada Baydhabo maadaama wakiillo kor-joogta ah lagu wado in ay ka qaybgalaan doorashada maamulka cusub ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…