Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Turkiga ay doonayso Soomaali mid ah oo isku duuban, sidaas awgeed ay Ankara xoogga saarayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas sida uu hadalka u dhigay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
“Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban, marweliba oo Walaalaheen Soomaaliyeed ay isku duubmaan waxa ay muujinaysaa midnimo & wadajir, Maanta waa maalin taariikh gaar ah inoo ah, maalin weliba waxa aan garab taaganahay Walaalaheen Soomaaliyeed” Ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa kamid ah Danjireyaal ka qaybgalaya Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Ankara ayaa garab istaag u muujisay Muqdisho iyada oo sheegtay in ay ku dhinac taagan tahay sidii ay ilaalsato Midnimadeeda & wadajirkeeda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…