South Africa, Mozambique & Zimbabwe oo dhaca Koofurta Qaaradda Afrika waxaa ka da’ay roob wata Daadad badan oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof, waxaa ku burburay waddooyin waa weyn iyada oo ay barakaceen kumanaan ruux.
Todobyaadyo roobab culus si xiriir ah uga da’ ayeen qaybo kamid ah saddexdaas dal waxaana ka dhashay khasaaraha intaas la eg oo suuragal ah in uu kasii kordho maadaama biyuhu ku hooreen dhul laamiyada joog ahaan ka hooseeya.
Waqooyiga Dalka Koofur Afrika gaar ahaan Limpopo & Mpumalanga waxaa laga diiwaangeliyay dhimashada 30 qof, waxaa intaas dheer in dad badan ay ku guryo beeleen, cabsi darteed ayay uga baxeen guryahooda iyaga oo dayacan xiligaan.
Diyaaradaha Kumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan ayaa dul heehaabaya deegaannada qaar si ay u raadiyaan Dad ku go’doonsan meelaha qaar ama ugu yaraan u arkaan Shaqsiyaadka doonaya in la caawiyo sida hadalka loo dhigay.
Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa oo maalin kahor booqday qaybo kamid ah Gobollada Waqooyiga ee dalkiisa ayaa sheegay in Dowladdu qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu caawinayo dhibbanayaasha isla markaana looga hortagayo khasaara kale.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…