Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u billowday howlihii ay ka waday Dalka kaddib markii ay kasoo kabteen hakadkii ugu dheeraa ee taariikhda dalkaas oo saamayn taban ku reebay xafiisyo kala duwan.
Qoraal lagu daabacay barta xiriirka bulshada ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in howlihii ay wadeen ee hakadka ku galay dib loo billaabay isla markaana si rasmi ah ay u shaqeynayaan wixii hadda ka dambeeya.
Miisaaniyadda laga jartay xafiisyo kala duwan oo Maraykanka ah ayaa hakad degdeg ah geliyay shaqooyinkii socday, Safaaradda Dalkaas ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah dhinacyada saamaynta taban ku reebay xayiraaddaas.
Qoraal isla boggaan lasoo geliyay 1dii bishii hore Oktoobar 2025 ayaa lagu sheegay in aanay xogo lagu daabici Karin ilaa inta dib loo furayo miisaaniyadda Safaaraddu ay ku shaqeyso oo ugu dambayn maanta ku dhawaaqday in ay dib u howl billowday.
Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu Xafiiska yimid, waxaa hoos u dhacay shaqooyin badan oo ay hayeen hay’ado & safaarado Maraykanka uu leeyahay sababo la xiriira dhaqaalaha ama miisaaniyadda laga gooyay.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…