GUDAHA/wararka

Dr Cabdiweli Gaas oo billaabay howlaha nabadaynta Koofurta Suudaan

Ergayga Midowga Afrika ee Koofurta Suudaan, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa billaabay howlaha nabadaynta dalkaas si la isugu soo dhaweeyo dhinacyada siyaasadda dalkaan isku haya si loosoo afjaro colaadda ka dhex jirta.

Dr Cabdiweli Gaas ayaa warqadaha wakiilnimo ee Midowga Afrika u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Koofurta Suudaan Dr Monday Semanyo Kumba maadaama Guddoomiyaha ururkaas uu wakiil uga yahay nabadaynta dalkaas.

“Farxad ayay ii tahay in Warqadaha aqoonsiga wakiilnimo aan ku wareejiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofurta Suudaan Dr Monday Semanya Kumba, waad ku mahadsan tahay Wasiir sida wanaagsan aad iigu soo dhaweysay” Ayuu yiri Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gaas waxa uu horay usoo qabtay Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa intaas u dheer in uu horay usoo noqday Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, marar kala duwan ayuu isku dayay in qabashada Xilka Madaxweynaha Dalka balse kuma guulaysan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

19 hours ago