GUDAHA/wararka

Qaramada Midoobay oo ka digtay korarka Tahriibayaasha Liibiya ka safraya

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay kororka tahriibayaasha u badan dhallinyarada ee ka safraya Dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood halis weyn sida in ay naftooda ku waayaan la kulma inta ay ku jiraah tahriibkaas sida ay hadalka u dhigtay.

Saraakiil katirsan Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen qulqulka tahriibayaasha gaar ahaan kuwa halista kala kulmaya badda oo kacsan xiligaan.

Waxa ay weli baadigoobayaan Dad nolol iyo geeri toonna lagu waayay oo la socday doon ay ku dhinteen tobanneeyo qof oo Afrikaan ah oo ka baxay Liibiya una sii jiiday dhinaca Jasiiradaha Talyaaniga si ay uga sii tallaabaan Qaaradda Yurub.

IOM ayaa carrabka ku dhufatay in loo baahan yahay iskaashi degdeg ah oo lagu soo afjaro tahriibka sii kordhaya, haddii aan xal waara loo helin waxa ay muujisay Hay’addu in khatartu sii jiri doonto sida ay hadalka u dhigtay.

Dadka tahriibka u tagaya Liibiya ee kasoo jeeda isla qaaradda Afrika waxaa qayb ka ah Soomaali u badan Dhallinyaro kuwaas oo aaminsan in sababta ay naftooda halistaas u gelinayaan ay tahay inay helayaan nolol uga wanaagsan tan dalkooda balse ma eegaan khatarta ay galayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

8 mins ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

16 hours ago