Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaah Al-Sacuud.
Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo horumarrada amni iyo siyaasadeed ee ka jira gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Boqortooyada Sacuudiga uga mahadceliyay mowqifkeeda mabda’a ku dhisan iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo dhul-weynaanta dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa mar kale adkeeyay taageerada aan leex-leexadka lahayn ee Boqortooyadu u hayso madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay sida Sacuudigu uga go’an tahay xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.
Wada hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Madaxda dowladda ay kulamo gaar ah la yeelanayeen hoggameyaasha caalamka, iyadoo looga hadlay difaaca midnimada dalka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…