Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta Isra’iil ku heyso madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.
Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go’an tahay ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra’iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…