GUDAHA/wararka

Sacuudiga oo baaraya gacan qaad ka dhacay Masjidka Nabiga NNKH

War kooban oo kasoo baxay Booliiska Xaramka sida gaarka ah u ilaaliya amniga Dadka halkaas taga iyo mas’uuliyiinta ku sugan ayaa lagu sheegay in la baarayo Haweeney u gacan qaadday Askari katirsan Ilaaladaas iyo falcelin uu sameeyay.

Booliiska ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay arrinta dhacday balse baaris kaddib sharciga la isla aadi doonno si aanay markale u dhicin Askari gudanaya waajibkiisa loo gaan qaado sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Laamaha ammaanka Xaramka.

“Waaxda dabagalka dambiyada waxa ay baaris ku hayaan Haweeneyda u gacan qaadday Askari katirsan ilaalada Masjidka Nabiga NNKH oo gudanaya waajibkiisa, waa muhiim in sharciga loo daadejiyo falkaas” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Xaramka.

Muuqaal kooban oo Baraha Bulshada soo galay waxaa ka muuqday 2 Dumar oo u socday dhinaca meel xiran oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, muran kooban kaddib Haweeneyda ayaa u gacan qaadday kaddib askariga dhowr jeer ayuu u dharbaaxay.

Ciidamo kale & Saraakiil kale oo isku shaqo ahaayeen Ninka gacan qaadka sameeyay ayaa kusoo baxay iyaga oo ugu dambeyn labo dhinac u kala bixiyay Askariga iyo Haweeneyda waxaana xigay baaritaanno looga gungaarayo sida wax u dhaceen.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago