GUDAHA/wararka

RW Xamsa Cabdi Barre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu ula kulmo mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xamsa Cabdi Barre waxaa Dhuusamareeb uga sii horreeya Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo kulamo kala duwan la qaatay madaxweyne Qoorqoor, mas’uuliyiinta Galmudug & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ku biiraya kulamadaas lagu doonayo in looga hadlo Qorshaha Mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Galmudug sida Doorashada & Isbaddelka cusub uu geli karo maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa sidii ay Dowlad-Goboleedka Galmudug uga qaban lahayd Doorashooyin Dadweyne si lamid ah Gobolka Banaadir iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

6 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

7 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

8 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

9 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

10 hours ago