Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Madaxtooyada Maamulkiisa ku qaabilsay wafdi ka socda Qaramada Midoobay gaar ahaan Xafiiska Siyaasadda oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Wafdigaan waxaa hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Vikram Parekh waxaa qayb ka ah Madaxa Siyaasadda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Morgan Dube.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Maamulka Koofur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Maamulkaas & Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, howlaha Geeddi socodka & xasiloonida.
Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay isaga oo ku dhiirrageliyay in ay kordhiyaan la shaqaynta maamulkiisa cusub si ay gacan uga siiyaan arrimaha la xiriira Siyaasadda iyo xasiloonida.
Mustaqbal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…
Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…