GUDAHA/wararka

RW Khayre oo xerada Gen. Gordan ku booqday ciidan loo diyaarinayo Dagaalka Al Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay Shabaab uga saarayaan deegaannada ay uga sugan yihiin dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay inuu ku dhiirageliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka, maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka amnigiisa u hantaan

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorshe dalka looga saarayo Shabaab, arrintaas oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

8 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

10 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

13 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

13 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago