Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Cabdi Faarax Shirdoon oo haray usoo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2013.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya, iyaga oo isla qaatay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Talaadadii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo safarkiisa ay ku weheliyeen siyaasiyiin dalka xilal kala duwan hore uga soo qabtay.
Maalinimadii Khamiista ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka ee May 2026, isaga oo sidoo kale shaaciyay Xisbi siyaasadeed oo uu hoggaamiye iyo musharax u yahay.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…