GUDAHA/wararka

Ruushka oo Xabad-joojin KMG ah ku dhawaaqay si gargaar bani aadamnimo loo gaarsiiyo Mariupol & Volnovakha.

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday Xabad-joojin KMG ah si gurmad loo gaarsiiyo Dadka ku go’doonsan Magaalooyin dhaca Ukraine gaar ahaan Mariupol & Volnovakha oo xaalado dhanka Nolosha ah laga soo wariyay.

Moscow waxa ay sheegtay in ay culeyska ciidan ka fududeyneyso Magaalooyinkaan oo 10kii cisho lasoo dhaafay ay ku socdeen duqeyn xooggan oo burburisay inta badan dhismaha ku yaalla labadaan Magaalo.

Ruushka ayaa ku adkeystay go’aanka uu ku qaatay duullaanka ka dhanka ah Ukraine ee 24-Feb-2022, waxa uu weerarkaas dhaliyay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo Burbur soo gaaray Magaalooyinka Dalkaas.

Mareykanka iyo Dalalka kale ee Reer ayaa ku guuldareystay in ay garabsiiyaan Ukraine oo kahor dagaalka ay u ballanqaadayeen in ay ka difaacayaan Ruushka, waxa ay kusoo uruureen cambaareyn & faafinta wararka ka dhanka ah Moscow.

Isha: NBC News / Aljazeera

MM Editor

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

21 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

22 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

22 hours ago