GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo wafdi sare oo ka socda dowladda Ciraaq ka socday kala hadlay Iskaashiga Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socda dowladda Ciraaq, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Cabdul Amiir Al-Shammari.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo laga hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka AS iyo Daacish, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyay booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.

“Booqashadan iyo kulankani waa fursad muhiim ah oo lagu ballaarin karo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay Soomaaliya u xoojinayso xiriirkeeda caalami ah, gaar ahaan dhinaca amniga iyo horumarka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisu wasaaraha.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa sheegay in dowladdiisa ay si weyn uga go’an tahay in ay taageerto Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.

Booqashadan iyo kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Ciraaq waxay muujinayaan sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga, taasoo ka tarjumeysa sida ay muhiimka ugu tahay amniga iyo horumarka gobolka.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

4 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

9 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

13 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

16 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

18 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

19 hours ago