GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu Madaxda Howlgalka AUSSOM kala hadlo xoojinta dagaalka AS

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa kaga qaybgalaya shirka dalalka ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo si rasmi ah u furmi doona jimcada maanta.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: “Inta uu socdo shirka, Madaxweynaha ayaa soo bandhigi doona guulaha Dowladda Federaalka iyo shacabka iskaashanaya ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah kooxda AS. Waxa uu sidoo kale madaxda kale kala hadli doonaa dardargelinta iskaashiga wadajirka ah ee dalka looga ciribtirayo kooxda AS.”

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan walaacyo sii kordhaya oo la xiriira dhaqaale xumo saameysay Hawlgalka AUSSOM, taasoo sababtay in hoos u dhac ku yimaado taageerada loo fidiyo ciidamada ka howlgala Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa marar badan muujisay baahida loo qabo in la xoojiyo garab istaagga caalamiga ah si loo dhamaystiro hawlgallada lagula dagaalamayo kooxda AS.

Mustaqbal

 

 

MM News

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

3 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

8 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

12 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

15 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

16 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

18 hours ago