GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay hoggaamineyso Danjire Francesca Di Mauro.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee la xiriira dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safiirka Midowga Yurub ayaa caddeysay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamse ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub, isagoo tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeyntooda.

Midowga Yurub ayaa kamid ah dhinacyada Soomaaliya ka taageera dagaalka AS iyo taageerada caalamiga ah ee binu aadanimada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

17 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

20 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago