Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Jarmalka, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Sebastian Groth.
Masuuliyiinta ayaa si qotodheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo qodobada khuseeya iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, isaga oo si gaar ah u xusay arrimaha amniga, dhammeystirka dastuurka iyo hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay saameynta abaaraha ka jira dalka iyo gogosha wadahadal ee ay dowladdu u fidisay Golaha Mustaqbalka si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed.
Dhankiisa, Niels Annen ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Mustaqbal
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…