GUDAHA/wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaan farayaa Ciidanka Ammaanka in ay shaqadooda qabsadaan”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Computer horyaalla qoraal ka aqrinayay ayaa faray Ciidanka Ammaanka Dowladda Federaalka in ay qabsadaan shaqadooda ayna ka hortagaan falalka ka hor imaanaya ammaanka.

Rooble ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Degmooyin dhowr ah lagu qalqal gelinayay amniga & Nabadda Gobolka Banaadir, waxaana uu Ciidanka faray in ay sameeyaan kahortagga khatar weliba oo ka dhan ah Amniga.

“Ciidamada amniga waxa aan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda qaran oo ay dhowraan amniga shacabka iyo kahortagga khatar kasta oo dhibaato u keeni karta Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale waxa uu Maxamed Xuseen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya uu sheegay in uu bilaabay wadahadal & is afgarad lagu dhammeeyo in uu aaminsan yahay in wax weliba lagu xalin karo.

Waxgaradka, Culimada, Bulshada Rayidka, Ganacsatada, Haweenka & Dhalinyarada ayuu u jeediyay Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta in ay ka shaqeeyaan xasiloonida & nabadgalyada Gobolka Banaadir.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

11 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

16 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

20 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

21 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

21 hours ago