Categories: GUDAHA/wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre :Musuq maasuqa wuxuu ka mid noqday nolosha caadiga ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta ardayda, dawlad gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha jaamacadda isaga oo sheegay in maanta ay tahay maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waalidiintii idinku soo dadaalayna waan u mahadcelinayaa, maanta waxa ay idiin tahay maalin wayn, Soomaaliyana maalin weyn ayey u tahay”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyaaha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahantahay aqoonyahanno habeen iyo maalin usoo jeeda horumarinta dalka si Soomaaliya ay ula tartanto aduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen dal ay qabyaaladu ka xoog badantahay qarannimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday, sidaa darteed laga sugayo in ay u fakaraan qaabka ay u fakaraan ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka ummadda iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rejeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudantahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada dunida, waxa uuna kula dardaarmay in aqoontooda sii kordhiyaan maadaama ummaduhu ay u kala fursad wanaagsanyihiin sida ay u kala aqoon badan yihiin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

57 mins ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

17 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

21 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

21 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

22 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

22 hours ago