Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Addis Ababa kula kulmay wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha maamulka Somalialnd Muuse Biixi Cabdi oo maanta gaaray Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa sheegay inay labada dhinac kawada hadleen arimaha muhiimka u ah xiriirka shacabka iyo badqabka itoobiyaanka kunool gudaha somaliland, arrimaha amaanka,ganacsiga iyo isticmaalka dekadaha somaliland.
Waxa uu intaa ku daray inuu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay inuu xiriir wanaagsan dhexmaro maamulka somaliland iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya, si loo xoojiyo midnimada, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu sheegay in madaxweyne Muuse uu soo dhaweeyay fikirka ku aadan is dhexgalka geeska Afrika.
Sidoo kale waxaa jira shirar gaar gaar ah oo dhexmaray wafdiga la socday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya, iyagoo iska wareysanayay sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inuu ABiye Axmed kala hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya, sida uu yiri Biixi.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…