Wararka ka imanaya degaanada Somaliland ayaa sheegaya in qiimaha shidaalka degaannadaas uu sare u kacay kaddib khilaad soo kala dhexgalay Xukuumadda Buuse Biixi iyo Sharikadaha ku midoobay maamulka Haamaha shidaalka Berbera ee BOG loo soo gaabiyo.
Khilaafkan ayaa dhashay kaddib Markii Wareegto uu soo saaray Muuse Biixi ku dalbaday in Haamaha Keydka shidaalka ee Berbera dib ula wareegto dowladda hayeeshee sharikadaha ayaa arrintaas ka biya diiday.
Sharikadaha ayaa sheegay in ay Haamaha Keydka shidaalka wareejinayaan marka Somaliland bixiso lacagta ay ku dayactireen Haamaha Keydka shidaalka.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaa waxaa ay kaddib sheegtay in ay shidaal u gaar ah keeneyso taas oo walaac kale abuurtay.
Sharikadaha Berbera Oil Group (BOG),ayaa waxaa ay iyaguna billaabeen in ay sare u qaadaan qiimaha shidaalka iyaga oo ku xumeynaya Xukuumadda Muuse.
Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ayaa ka cabanaya qiimaha shidaalka oo hadda Liitarkii uu marayo 10,000 oo lacagta shilinka Somaliland ah una dhiganta $1 doollar.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…