HIRSHABELLE

Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo haleelay gaari ku safrayay waddada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa kusoo warramaya in qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen Dad rayid ah kaas oo isaga kala gudbayay Waddada isku xirta Magaalooyinka Jowhar & Mahadaay.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay halka tiro ka badan ay dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen Dadkaas ay ku qaraxday miino, Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Magaalada Jowhar si ay u helaan daryeel Caafimaad.

Gaariga ayaa guud ahaan burburay, waxaana gurmad dadka waxyeellada soo gaartay oo dhallinyaro u badan u sameeyay Dadka deegaanka iyo kuwo kale oo socoto ku ahaa Waddadaas qaraxa uu ku haleelay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Doonka Buur-fuule oo lah goobta uu qaraxa ka dhacay waxa uu deegaankaan kamid yahay deegaannada ugu badan ee qaraxyada kala kulmaan Gaadiidka isaga kala gudubta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa lagu wadaa in Dadka dhaawacyadoodu daran yahay in loosoo qaado Magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in ay booqasho ugu tagayaan Dadkaas dhaawacyada soo gaaray.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

3 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

4 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

5 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

5 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

7 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

8 hours ago