Magaalada Muqdisho waxaa sanadkii todobaad oo xiriir ah ka furmay shirweynaha Garsoorka Dalka, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Mas’uuliyiin kale oo Dowladda iyo marti kale oo lagu casuumay shirkaan ayaa ka qaybgaleysa.
Sanadkaan waxaa diiradda lagu saarayaa tayeynta Garsoorka si ay Hay’addaan awood ugu yeelato soo qabashada Dadka dambiyada kala duwan gala ee dibadda u baxsada, xoojnta wadashaqaynta Hay’adaha kala duwan ee shaqo wadaagga ay yihiin & kuwo kale.
Mas’uuliyiinta meesha ka hadashay waxaa kamid ah Hantidhowraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale waxaana uu sheegay in wadashaqaynta ka dhex jirta Garsoorka iyo Xafiiskiisa uu maamulo uu sii kordhay sanadihii u dambeeyay.
Waxa uu madasha ka sheegay in xoogga la saaray la dagaalanka Musuqa oo ah dhibaatada ugu weyn ee Dalka la degtay, dabagalka dadka la baxsada hantida ee dibadda la aada ayuu tilmaamay in la xisaabtankooda qayb ka yahay si looga dabatago hantida la lunsaday.
Sidoo kale, Taqasus la’aanta ayuu sheegay in ay sababtay in hantidii la lunsaday ee Maxkamaduhu ay Xukumeen aan lasoo celin, Ciladaasna ay ka timid gaabiska dhinaca sharciga loona baahan yahay in la xoojiyo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…