GUDAHA/wararka

Qarax sababay dhaawaca labo qof oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax miino oo sababay dhaawaca labo qof ayaa barqonimadii maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

Labada qof ee dhaawaca soo gaaray ayaa lagu kala sheegay Askari katirsan Ciidamada Ammaanka ee goobta ku sugnaa iyo qof shacab ah oo la tilmaamay in uu goobtaas ka dhawaa.

Ciidamo katirsan Booliiska oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa billaabay howlgallo baaritaanno ah oo ay ku raadinayaan Dadka ay ku tuhmayaan qaraxaas.

Duleedka Jowhar waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin dhulka la geliyay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

5 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

5 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

8 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

10 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

15 hours ago