GUDAHA/wararka

Nin ku eedeysan in uu Maraykanka lacag ku lunsaday oo Muqdisho lagu qabtay

Saraakiil katirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Maraykanka ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Cabdikariim Ciidle oo Dowladdaas ay raadinaysay kuna eedeysan in uu lacag dhan $250 Milyan oo doollar uu si khiyaano ah ugu lunsaday Dalkaas.

Cabdikariim oo 42 ah waxaa howlgalka lagu qabtay iska kaashaday Sirdoonka Soomaaliya iyo Hay’adda Dambi baarista Federaalka Maraykanka ee FBI, waxaana loo haystaa in uu maamulayay shirkado been abuur ah & xarumo cunto oo aan jirin balse lacag lagu cunay.

Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay in Ciidle uu ka baxday Dalkaas kahor inta aan lagu soo dalacin dacwadda loo haysto oo dad sidaan oo kale oo isla kiiskaan lagu soo oogay ay qaarkood xiran yihiin halka kuwo kale lagu raadjoogo.

Cabdikariim ayaa la sheegay in uu ka baxsaday Maraykanka kuna dhuumanayay Qaaradda Afrika waa kahor inta aan lagu qaban Magaalada Muqdisho inkasta oo aan la sheegin dalka ama waddamada kale ee qaaraddaan uu joogay kahor imaantinkiisa Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Gobolka Minnesota, Daniel Rosen ayaa sheegay in qabashadiisa ay muujineyso in qof weliba oo khiyaanno ku eedeysan ama dambi ka gala Maraykanka lagu soo qaban doonno waddanka uu tago si sharciga loo horgeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Kiiska Cabdikariim Ciidle waxa uu soo shaacbaxay September 2022, tan iyo xiligaas waxa uu ahaa baxsad lagu raadjoogo, waxaa ugu dambayn soo idlaatay afar sanno oo uu baxsad ka ahaa FBI-da Maraykanka sida uu sheegay Xeer Ilaaliye Daniel Rosen.

Maalmo kahor waxaa Dalka Maraykanka dib loogu celiyay Nin baxsad ahaa oo ku sugnaa Dalka Turkiga, FBI ayaa billowday howlgallo dibadda ah iyada oo ku raadjoogto dadka ku jira liiska kuwa lunsaday lacagaha ee isaga baxay Dalkaasi.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay ka dhigan tahay in dib loo doorto Cali Guudlaawe oo weli wajahaya diidmada Shacabka Hiiraan?

Dib u doorashada Cali Guudlaawe Xuseen ee hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan…

4 hours ago

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiirrada…

7 hours ago

89 Xildhibaan oo ka horyimid mooshinka xilka looga qaadayo Wasiirka Caafimaadka XFS

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod kalsoonida loogu qaaday Wasiirka…

8 hours ago

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Urdun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaaraysay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla Gobolka Karak ee Dalka…

12 hours ago

Xildhibaan Kenyaan ah oo loo xiray teleefanno lagu xaday Nairobi

Booliiska Kenya ayaa xiray Xildhibaan Cyrus Kisavi Musyoka oo kamid ah Golaha Deegaanka Kyatune oo…

12 hours ago

Aliko Dangote “Waxaan doorbidayaa in aan Xabsi galo intii la iga qaadan lahaa Teleefankayga”

Bilyaneerka reer Nigeria, Aliko Dangote ayaa sheegay in sida uu muhiimka ugu yahay Teleefankiisa gacanta…

12 hours ago