Qaraxaan oo ka dhashay Barkontorool oo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn Ex-Control Afgooye ayay wararku sheegayaan in uu geystay Khasaare.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyooday Askari katirsanaa Ciidamada Booliiska ee Goobta ku sugnaa, waxaana dhaawac soo gaaray labo kale sida Mustaqbal ay u sheegeen Goobjoogayaal.
Askarta dhaawaca gaaray ayaa la dhigay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Ciidamada Ammaanka Dowladda oo wata Gaadiidka Dagaalka waxa ay tageen halka Qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo bilaabay baaritaano ay ku sameynayaan Haraadiga Walxaha qarxay iyo dadka goobta ka agdhaw.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay soo qabteen Labo ruux oo ay ku tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin Qaraxa ama ay wax ka ogaayeen, waxa ayna u wateen sida wararku sheegayaan Goobaha Baaritaanada ay geeyaan dadka ay tuhmayaan.
Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxa ay tilmaameen in ay khasaare kala duwan gaarsiiyeen Ciidanka dowladda, islamarkaana raggii weerarkaasi fuliyay ay si nabadgelyo ah ku baxsadeen.
Dowladda Federaalka wali kama hadlin Qaraxaan, Dadka lasoo qabtay iyo Sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay Khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…